4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Ururka Xisbul Islaam oo ka warbixiyay bam xalay lagu weeraray saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho

Talaado, December 22, 2009(HOL): Madaxa ammaanka maamulka Ururka Xisbul Islaam ee deegaanka Ceelasha Biyaha Shiikh Ibraahim Max'ed Aadan ayaa ka warbixiyay weerar bam xalay lagu tuuray saldhiggaas, isagoo sheegay in wax khasaare ah uusan geysan.
 
Sarkaalku wuxuu sheegay in xilligaas ay saldhigga ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ururkooda iyo maxaabiis ku xiran saldhiggaas, isagoo sheegay inaysan jirin cid ay wax ku gaareen.
 
"Weerarku wuxuu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxo aan la garanayn oo cadow ah, mana jirin wax khasaare ah oo weerarkaas uu geystay, waxaana wadnaa baaritaano" ayuu yiri Sheekh Ibraahim oo sharraxayay weerarkaas.
 
Dadka ku nool deegaanka Ceelasha biyaha oo ka barokacay Muqdisho ayaa xusay inay xalay maqleen jug xooggan, taasoo cabsi weyn ku abuurtay, balse xaaladdu saakay waxay ahayd mid daggan, mana jirto cid loo qabtay weerarkaas.
 
"Bambaanada waxaa laga soo tuuray dhabarka dambe ee saldhigga, wayna baxsadeen kuwii soo tuuray, ciidamaduna waxay wadaan baaritaano, markii ay xaqiiqowdo cidda ka dambeysay ayaan saxaafadda la hadli doonnaa" ayuu yiri Sheekh Ibraahim oo ka jawaabayay su'aal ahayd cidda ay ku tuhmayaan weerarkaas.
 
Waa markii labaad oo la weeraro saldhigga maamulka Xisbul Islaam ee deegaanka Ceelasha-biyaha, waxaana horay u weeraray kooxo hubeysan oo baxsaday markii ay weerarka geysteen kaddib,walow aanu weerarkaas wax khasaare ah geysan.

Maxamed Xaaji Xuseen Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya