9/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Duqeyn iyo dagaal khasaare nafeed geystay oo maanta ka dhacay degmada Dharkeyley ee Magaalada Muqdisho

Talaado, December 22, 2009(HOL): Ugu yaraan 3-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeymo maanta loo geystay xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley oo lagu magacaabo Kaxda, waxaana duqeyntaas ku dhaawacmay 7-qof oo iyaguna shacab ahaa.
 
Madaafiicda oo ka dhacaysay saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin xeradii hore ee Xalane, waxayna ku dhaceen deegaankaas oo ay ku sugan yihiin dad aad u yar.
 
"Duqeyntu waxay timid markii madaafiic laga tuuray meel ku dhow xaafaddeenna, kuwaasoo lagu weeraray ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, dhowr guri ayay ku dhaceen madaafiicdii jawaabta ahayd, waxayna sababeen inta aan aragnay dhimashada 3-qof iyo dhaawaca 7-qof oo kale" ayay tiri haweeney ka mid ah dadka deegaanka oo saxaafadda la hadashay.
 
Haweeneyda ayaa sheegtay in dadkii yaraa ee xaafadda ku harsanaa ay bilaabeen inay isaga qaxaan, waxaana madaafiicda lagu garaacay xaafaddaas ay ahaayeen kuwo ka dhacayay qoryaha Taangiga iyo BM-ka.
 
Dhanka kale, dagaal u dhexeeyay ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dharkenley oo horay isbaaro ay ugu oolli jirtay degmadaas iyo ciidamo ammaanka sugayay ayaa sababay in uu hal qof ku dhinto laba kalena ay ku dhaawacmaan.
 
"Iska horimaadka wuxuu bilowday markii ciidamada dowladdu ay ka hortageen baarasho dadka xaafadda Macmacaanka loo geysanayay, dagaalkuna wuxuu socday muddo kooban, waxaana laga itaal roonaaday ciidamadii isbaarooyinka waday" ayuu yiri Goobjooge ku sugan xaafadda Macmacaanka oo magaciisa qariyay.
 
Maamulka degmada Dharkeynley ayaa maalmahan  wuxuu waday dadaallo uu ku doonayay in uu  ku sugo ammaanka guud ee degmadaas, iyagoo todobaadkii hore ka qaaday degmadaas dhowr isbaaro oo gaadiidka lacago looga qaadi jiray.

Maxamed Xaaji Xuseen Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya