9/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Maamulka Degmada Afgooye oo maanta xabsiga u taxaabay tobaneeyo ka mid ah ganacsatada jaadka ee degmadaas

Talaado, December 22, 2009(HOL): Maamulka degmada Afgooye oo hoostaga Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta xabsiga u taxaabay tobaneeyo ruux oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee degmadaas, kadib markii lagu helay iyagoo jaad ku iibinaya gudaha degmadaas.
 
Ganacsatada xasbsiga loo taxaabay ayaa laga soo qabqabtay iyagoo si qarsoodi ah Qaadka ugu iibinayay gudaha xaafadaha degmadaas, iyadoo maamulku uu sheegay in amarkan uu yahay mid kasoo baxay maamulka guud ee ururka Xisbul Islaam.
 
Mas'uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in ganacsiga Qaadka horay loogu sameeyay suuq u gaar ah, ganacsatada la xirxirayna ay ka dhego-adaygeen inay suuqaas ku iibsadaan jaadka, iyaguna ay qaadeen talaabadan.
 
"Ciidamada ammaanku waxay soo xirxireen dhowr ganacsade oo si aan sharci ahayn jaadka ugu iibinayay gudaha degmada, welina waxaa socda howlgallo aan uga hortagayno in Qaadka lagu iibiyo magaalada" ayuu yiri sarkaal ka tirsan Maamulka Afgooye ee ururka Xisbul Islaam.
 
Ganacsatada la qabqabtay ayaa ku xiran xabsiga degmadaas iyadoo xalaadda daganaasho ee degmadaas uu isbadal ku yimid, laguna arkayo waddooyinkeeda ciidamo faro badan oo ka tirsan kuwa maamulka, kuwaasoo baaritaanno wada.
 
Maamullada Ururka Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaab Al-Mujaahidiin oo gacanta ku haya inta badan gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa ka mamnuucay in gudaha degmooyinka ay maamulaan lagu iibiyo jaadka; iyagoo taas sabab uga dhigay wax ka qabashada nadaafadda Magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya