4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Ciidamada Ammaanka magaalada Kismaayo oo bilaabay howgallo lagu Baadigoobayo Ragga ku labisan Saraawiisha lugaha dhaadheer oo uu maamulku horay u mamnuucay

Talaado, December 22, 2009(HOL): Howgalladani ay  maanta bilaabeen ciidamada amaanka Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka ayaa waxay ku baadigoobayeen  ragga qaata saraawiisha lugaha dhaadheer  kuwaasoo maamuulku uu  horay qaadashadooda digniin uga soo saaray, iyadoo howlgalladaasi ay ciidamada u adeegsanayaan maqas kasoo ay ku  jarayaan saraawiisha lugaha  dhaadheer ee ay ku labistaan qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.
 
Waxaana maanta waddooyinka waaweyn  ee dhexmara gudaha magaalada Kismaayo iyo waliba goobaha ay ku badan yihiin  bulshada lagu arkayey  gaadiid ay wateen ciidamada   ammaanka kuwaasi oo baadi goobayay ragga qaata  surwaalada lugaha dhaadheer,

Waxaana maanta ku ekeyd mudadii 3 berri ahayd ee uu maamulku u qabtay in dadka iyagu ku labista saraawiisha lugaha dhaadheer in ay gaabasadaan, ciddii mudadaasi kaddib lagu arkana ay maamulku sheegeen in ay ka qaadi doonaan tallaabo waafaqsan shareecada Islaamka.
 
Sidoo kale waxaa maanta gabi ahaanba   marnaa  goobihii ay isugu  imaan jireen dhalinyarada kuwaasi oo ka cararayaya amaba ka baqanaya in laga jaro saraawiisha  iyadoona maanta dhalinyarada  lagu arkayey xaafadaha  dhexdooda iyo waliba goobaha ka fog waddooyinka waa wayn  ee ay isticmaalaan  Bulshada.
 
Sikastaba ha ahaatee   howlgaladani ayaa waxay imaanayaan xili dhawaan  uu maamulka  bayaan ka soo saarey  qaadashada  saraawiisha lugaha dhaadheer  iyo waliba  Xiiridda Garka iyadoo uu maamulka sheegay in ay arintaasi  xad  gudub ku tahay   ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
 
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya