4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Dowladda Kenya oo sheegtay in ay baareyso dadka ka soo cararaya Soomaaliya ee dalkeeda soo gelaya


Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya- Moses Watengula


Talaado, December 22, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Watengula ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdiisa sii wadeyso baaritaannada ay ku hubineyso dadka ka soo cararaya Soomaaliya ee qaxooti ahaanta u soo gelaya Dalkeeda.

Isagoo ka hadlayay Magaalada Kitui ee ku taalla gobolka Waqooyi Bari Kenya ayuu wasiirka arrimaha dibadda Kenya ugu baaqay dadka Kenya ee degan degmooyinka ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya in ay la socdaan dadka ajnabiga ah ee soo gelaya Kenya, kuwaasi oo loo maleeyo in ay khatar ku yihiin amniga Kenya.

Wuxuu sheegay in  Qof kasta oo Kenya u dhashay uu waajib ka saaran yahay in uu sheego dadka sida sharci darrada ku soo gelaya Kenya, iyagoo weliba hub wata, “ ma iloobi karno qaraxyadii Nairobi-Kenya ka dhacay sanadkii 1998-kii iyo qaraxii kale ee ka dhacay Kikambala, kaasi oo ay soo diyaariyeen dad argagixiso ah”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Wantengula oo ku cel celiyay in dadka Kenya looga baahan yahay in ay soo sheegaan dadka laga shakiyo dhaqdhaqaaqyadooda.


Todobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii ay Ciidamada Ammaanka Kenya gacanta ku dhigeen 17 ruux oo doonayay in ay si sharci darro ah ku galaan Kenya, kuwaasi oo markii la qabanayay ku sugnaa deegaanno hoosyimaada degmada Gaarisa, waxayna tirada dadkaas la qabtay oo dhamaantood Soomaali ahaa ay sii kordhineysaa dad ay horay u qabteen ciidamada Kenya, kuwaasi oo muddo afar todobaad ah gaaraya 63 ruux.

Hadalka uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya waxaa ka horreeyay mid uu dhawaan jeediyay Wasiirka  Kenya u qaabilsan Amniga gudaha Prof. George Satioti, kaasi oo isna ka hadlay dadka dhinaca Soomaaliya ka soo gelaya Dalka Kenya ee aan dal-ku-galka heysan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Warka Wasiirradan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay la wareegeen gacan-ku-heynta Degmada Dhoobley oo aan u dheereyn xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya