4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Wilaayada Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka oo Deeq Raashiin ah gaarsiisay xerooyinka ay ku nool yihiin Dadka Barakacayaasha ah ee ku yaal Magaalada Kismaayo

Talaado, December 22, 2009(HOL): Maamulka wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa maanta Howlo Raashin qeybin ah ka bilaabeen guud ahaanba Shanta xaafadood ee ay ka koobantahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.

Howlahani cunno qeybinta ee ay maanta bilaabeen Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in loo qeybinayo dadka barakacayaasha ah ee ku nool Xerooyinka ku yaal qeybaha kala duwana Xaafadaha Magaalada Kismaayo, kuwaas oo mudooyinkii danbe ay la soo daristay Xaalad nolol xumo oo aad u liidata.

Waxaana howlahani Cunno qeybinta ah iska kaashanaya Maamulka Islaamiga ah ee Magalada Kismaayo iyo Hay'ada ICRC ee fadhigeedu yahay Magaalada Kismaayo, waxaana cunooyinkaasi loo qeybinayaa Dadka barakacayaasha ee ku jira Kaamamka ku yaal Magaalada Kismaayo, iyadoona saaka la arkayay xerooyinka ay ku jiraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo ay buuxdhaafiyeen Gaadiid aad u fara badan kuwaasoo ay ku rarnaa cunno isugu jirtay Galley, Digir iyo Saliid, waxaana qoyskiiba la sheegay in uu qaadanayo Loor galley, Haaf Digir ah iyo Tobanle Saliid ah.

Sidoo kale howlahaasi cunno qeybinta ah ayaa waxaa si aad u soo dhaweeyay dadka barakacayaasha ah ee ku nool xerooyinka kuwaasi oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin howlahani cunno qeybin ee uu maamulku bilaabay, ayagoona maamulka ka codsaday in ay u sameeyaan Musqulo iyo weliba ceelal ay biyo ka cabaan, kuwaasi oo ay sheegeen in aysan heysan, wax musqul ama Ceel ah.

Howlahani cunno qeybinta ayaa waxa ay imaanayaan xilli mudooyinkii ugu danbeeyay dadka barakacayasha ah ay baaqyo kala duwan u dirayeen masuuliyiinta maamulka wilaayada islaaamiga ah ee gobollada jubooyinka, taas oo ay kaga cabanayaan dhibaatooyinka nololeed ee la soo darsay dadkaasi barakacayaasha ah ee ku nool gudaha magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya