4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Duqeyn goor dhaweyd ka bilaabatay Magaalada Muqdisho

Talaado,Tuesday, December 22, 2009(HOL): Ciidamada Amisom iyo Xoogagga ka soo horjeeda ayaa waxay madaafiic isku weydaarsanayaan xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.

Duqeynta ayaa bilaabatay kaddib markii xoogagga ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ay weerar madaafiic loo adeegsady ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Ciidamada Amisom ku leeyihiin Degmada Hodan, iyadoo kaddibna ay Ciidamada Amisom bilaabeen madaafiic jawaab ah.

Daryanka madaafiicda ayaa laga maqlayaa degmooyin ka baxsan degmooyinka ay duqeynta ku socoto, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn khasaare ka dhashay duqeyntan oo goor dhaweyd uun bilaabatay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxay marti u tahay dagaallo aan dhamaad lahayn oo mararka qaarkood duqeyn wata, kuwaasi oo galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan.

Wixii ku soo kordha duqeynta ka bilaabatay Magaalada Muqdishoiyo khasaaraha ka dhasha kula soco wararkeena dambe Insha Allaah.

Salaad Iidow Xasan (XIis), Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya