4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Sarkaal horay uga tirsanaa Maamulkii Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Beledweyne.
Talaado, 22, Dec, 2009 (HOL) Waxaa goor dhaw kooxo hubeysan ku toogtay gudaha Maqaaxi uu ku jiray Alle ha u naxariisteen Sarkaal lagu Magacaabi jiray Cali Afweyne oo horay uga tirsanaa Maamulkii Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow, laakiin waqtiyadan danbe ahaa Madaxa Ilaalada Hay'adda WFP Xarunteeda Magaalada Beledweyne.
 
Kooxaha dilka geystay ayaa Marxuubka ka toogtay Madaxa iyaga oo markii danbana ka baxsaday goobta uu shilku ka dhacay, waxaana Meydka Marxuumka la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne halkaa oo ay ku soo xuumeen dadweynaha Magaalada Beledweyne.
 
Ilaa hadda lama garanayo kooxaha dilka Marxuumka ka danbeeyay waxaana ay talaabadani lagu dilay Sarkaalka rabashado ka abuurtay gudaha Magaalada Beledweyne oo lagu arkayay dad koox koox u socda oo dhaxgaxyo ku tuuraya goobaha ganacsiga Magaalada kuwaa oo ka xumaa dilka dhacay.
 
Dilka Sarkaalkan ayaa daba jooga dilal is xig xigay oo loogu geytay gudaha Magaalada Beledweyne dad rayid ah oo isugu jiray, Ganacsato, Culima'udiin, iyo dad horay xalal uga soo qabtay Maamuladii soo maray Goballka, waxaana dilalkaasi laga xusi karaa dilkaa Ciiddii aynu soo dhaafnay ka dhacay gudaha Masjid ku yaala Magaalada Beleweyne oo lagu fuliyay Culimo ka tirsan Dariiqada Suufiyada, iyo Dil bartamaha Magaalada loogu geystay Max'ed Deeq Cilmi Faroole oo horay u ahaa Xasaabiyihii guud ee Goballka Hiiraan Maamulkii Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]