
Khamiis, October 22, 2009(HOL): Madaxweynah Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo safarka ku horreeyay ayaa wuxuu saaka u amba baxay Magaalada Kampala ee caasimadda u ah Dalka Uganda, halkaasi oo ay ku kulansan yihiin madax Afrikaan ah.
Madaxweynaha ayaa Kampala u tegaya ka qeybgalka shirka Qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika, kaasi oo ay maanta yeelanayaan madaxda Dalalka Afrika.
Madaxda Afrika ayaa waxay ka doodi doonaan, isla markaana isku raaci doonaan mucaahado ku saabsan in la dhowro xuquuqda qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika, taasi oo ka soo baxday Shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika ee maalin ka hor lagu soo gebagebeeyay isla magaalada Kampala.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika ka qeybgalay ayaa sheegay in ay rajeynayaan in madaxweynayaasha ay isku raaci doonaan mucaahadadaas, taasina ay keeni doonto in la dhowro xuquuqda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Afrika.
Sidoo kalena waxaa maanta isna dalka ka dhoofay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo ku sii jeeda Magaalada London ee Dalka Britain, halkaasi oo uu uga qeygeli doono shir looga hadlayo Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena uu London kula soo kulmi doono madax ka socota Dowladda Britain iyo weliba Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaas ku nool.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu booqasho ku tegi doonaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasi oo uu ku soo arki doono Madax ka tirsan Midowga Yurub.
Xilalka Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha waxa hadda si Kusime ah u sii haya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo madaxweynaha metelaya iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, ahna Wasiirka Kalluumeysiga Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo isna metelaya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya