
Khamiis, October 22, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa wuxuu 28-ka bishan uga qeybgeli doonaa shir looga hadlayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Chatham House qeybteeda Africa.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirkan wuxuu ka jeedin doonaa hadal ku saabsan dadaallada iyo muhiimadaha ay Dowladda Soomaaliya siineyso sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo weliba waxyaabaha u qorsheysan mustaqbalka ee ay dooneyso in ay qabato Dowladda uu Raa’iisal Wasaaraha ka yahay.
Wuxuu kaloo ka hadli doonaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya dhibaatooyinka soo wajahay Soomaaliya iyo sida dhibaatooyinkan looga gudbi karo. Kaddibna wuxuu Ra’iisal Wasaaraha ka jawaabi doonaa su’aalo ay weydiin doonaan ka soo qeybga
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada London wuxuu la kulmi doonaa madax ka tirsan Dowladda Britain, kuwaasi oo laga xusi karo Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain David Miliband iyo weliba Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain.
Waxaa kaloo qeyb ka ah socdaalka Ra’iisal Wasaaraha safarro uu ku tegayo Magaalada Brusells ee Dalka Belgium iyo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaasi oo ay xarumo ku leeyihiin wakiillada Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa waxaa xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya loo magacaabay bishii Febraayo ee sanadkan, waxayna Xukuumaddiisa wajaheysaa caqabado kaga imaanaya dhinaca kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda Soomaaliya iyo weliba in dalka Soomaaliya lagu soo celiyo sharcigii iyo kala dambeyntii.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya