
Arbaco, October 21, 2009(HOL): Maxakamadda milatriga magaalada Garoowe ayaa maanta ku ridday xukunno kala gadisan qaar ka mid ah ciidamada Daraashiita Puntland oo lagu soo qabtay iyaga oo faraha kula jira falal ay ka mid yihiin dhigasho isbaaro inta u dhaxaysa Tuulo Jalam iyo kala bayr.
Maxakamadda ayaa markii ay dhagaysatay danbiyada loo haystay eedaysanayaasha oo ay ku marqaati fureen saraakiil ciidamada ka tirsan oo gacanta ku soo dhigay wakhtigii ay howshaasi ku jireen oo uu ka mid yahay Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo halkaasi lagu dhaariyay in uu raggaas gacanta ku soo dhigay iyaga oo howshaas faraha kula jira kuna dhaartay in uu ku soo qabtay.
Waxaa iyana ay Maxakamaddu wax ka su'aashay arrintaas Eedaysanayaashii oo qaar ka mid ahi ay eeddaasi iska fogeeyeen kuwaasi oo uu ka mid ahaa eedaysane Cali Abshir [Gaagaab] oo isagu dhaawacyo gaarsiiyay qaar ka mid ah askartii soo qabtay mar ay isku dayeen in ay qabtaan oo uu ula baxay Tooray markii ay ka qaadeen Qori uu watay deedna ay qoriga caaraddiisa uga qaadeen Tooraydii, sida uu Maxakamada ka hor qiray Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir
Waxaa ay Maxakamadu sidoo kale danbi ku wayday 3 Askari oo labo ay ka mid yihiin ciidamada Duuray ee 49 aad, kuwaas oo Maxakamada ka hor sheegay markii la soo qabanayay in ay ka yimaadeen Bali ay Biyo fadhiyeen si ay ugu soo mayrtaan.
Maxakamadda ayaa markii ay si toos ah u dhgaysatay hadallada Marqaatiyaalka iyo Eedaysanayaashaba ku dhawaaqday xukunka, waxa ayna 8 sano oo xarig ah ku xukuntay Cali Abshir oo ku eedaysnaa dhigasho isbaaro iyo burcadnimo, iyadoo u tiigsatay qodobka 195aad farqada 484 xeerka ciqaabta milatariga u yaalla.
Waxa kaloo ay min shan sano ku xukuntay eedaysanayaal kale oo iyaga ay ku cadaatay danbiyada ay ka galeen sharciga ciidanka iyo dowladdaba, waxaana ay Maxakamadu goobta uu xukunkaasi ka dhacayay ku soo saartay qoryihii ay raggaasi wateen oo ay sheegtay saddex ka mid ah in ay la wareegtay dowladdu.
Waxaa ay sidoo kale Maxakamaddu sheegtay in ay dowladdu ku warejin doonto sadexda qori ee kale mid ka mid ah oo ciddii sheegata oo sida uu sheegay taliyaha qeybtu laga soo dhex qaaday gaari, halka labada kalena mid uu leeyahay askari ka mid ah labadii Askari ee Duuray ka tirsanaa iyo mid uu leeyahay Askari la sheegay in uu ganacsi ku lahaa Kala bayr kaasi oo markii la soo qabanayay ku suganaa halka danbiilayaasha laga soo qabatay.
Arrintan ayaa noqonysa mid ay si wayn u soo dhaweeyeen masuuliyiinta aagga ay raggaasi dhibta ku hayeen waxayna sheegeen in haatan kaddib ay dhibkaas ka nasan doonaan.




Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya