Puntland oo Maxamkad lagu soo taagtay 4 eedaysne oo loo haysto dilkii Nin maydkiisa laga helay Barkad ku taalla Garowe(DAAWO SAWIRRO)


Bidix: Gacan-ku-dhiiglaha iyo eedeysane la fadhiya


Axad, November 1, 2009(HOL): Maxakamadda darjada koowaad ee gobolka Nugaal ee magaalada Garowe ayaa saaka waxaa la soo taagay 4 eedaysane oo loo haysto dilkii ninkii maydkiisa laga helay Taariikhdu markii ay ahayd 18/9/09 barkad ka qodnayd guriisa oo ku yaala xaafadda Hodan ee magaalada Garoowe.

Afartan eedaysane ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay, kaddib markii ay maamulka Puntland in badan ku howlanayeen sidii ay u heli lahaayeen gacan ku dhiiglaha oo gacantiisa ku dilay, waxaana arrintaasi loo qabqabtay dad badan oo looga shakisanaa kuwaasi oo ka soo jeeda beesha Jareerweyne, iyadoo taasina ay fududaysay in la helo gacan ku dhiiglaha oo u baxsaday Koofurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Afgooye ee Shabeeladda Hoose.

Gacan ku dhiiglahan oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Cismaan ayaa isagu sheegay in uusan dambigan kaligiis galin, kaddib markii ay soo qabteen qaraabadiisu isaga oo ku sugnaa magaalada Afgooye oo uu u baxsaday, waxaa ay qaraabadiisa markii ay soo qabteen ay u gacan geliyeen Dowladda Soomaaliya.


Eedeysane Mukhtaar C/llaahi Aadan

Eedeysane Rooble Malabow


Halkaasi oo su'aalo lagu weydiyay, isla markaana uu ku qirtay in ay danbigan kula jiraan Muqtaar C/llaahi Aadan, Yusuf Rooble Malabow iyo Rooble Malabow oo iyaguna maanta maxkamadda la soo joojiyay.

Waxaana eedaysanahan laga qabtay Koofurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Afgooye ee Shabeeladda Hoose 16/10/09, kadib markii uu gaari ka raacay magaalada Gaalkacayo. Waxaa ayna markii baaritaanka ku dhameeyeen ciidamada laanta danbi baarista DKMG Soomaaliya ay u soo gudbiyeen xabsiga magaaladii uu falka ka gaystay ee Garoowe.

Cumar Maxamed Cismaan ayaa u sheegay Laanta dembi baarista DKMG Soomaaliya ee CIDda intii ay su'aaluhu ku socdeen in dilka ninkaasi uu u gaystay ay kadanbaysay, kadib markii uu u diiday lacag uu ku lahaa in uu siiyo oo uu ugu shaqeyay, markaasna uu madax ugu dhuftay Garweyn, balse uusan kaligiis dilkaasi gaysan ee ay ku weheliyaan eedaysanayaalka kale oo talo iyo taageeraba ka gaystay sida uu u sheegay eedaysanuhu CID-da DKMG Somaaliya.


Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Nugaal markii ay dhagaysatay eedaysanayaasha waxa lagu soo eedeyay ayaa waxaa Cumar Maxamed Cismaan iyo sadexdii kale ee uu sheegay in ay danbiga la galeen Maxkamadu su'aashay in ay haystaan wax qareen ah, waxayna sheegeen in aysan heysan, markaasi kadibna waxa ay Maxakamada darjada koobaad ee gobolka Nugaal u qabatay Qareenno labo ah oo u dooda oo lagu kala magacaabo Yuusuf Xaaji Nuur iyo Maxamed Axmed Xaashi.


Guddoomiyaha Maxkamadda Cabdu Nuur Aw-Cabdi


Gudoomiyaha Maxakamada darjada koobaad ee gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe Cabdi Nuur AwCabdi AwXusseen ayaa sheegay in ay Maxakamadu go'aan ku gaartay in dib la isugu soo laabto saddex maalmood kaddib markaasi oo uu xusay in ay maxkamadda xukun ka gaari doonto kiiskan dilka ah.

Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya