Axad, November 01, 2009(HOL): Hal ruux ayaa geeriyooday seddex ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kaddib markii gaari ay saarnaayeen oo nooca Mini Bus-ka ah uu kula rogmaday inta u dhaxeysa Deegaannada Xaawo Cabdi iyo Ceelasha Biyaha oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Dadkii dhaawaca ka soo gaaray shilkan ayaa waxaa loo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho, si halkaas loogu dabiibo. Gaari rogmaday ayaa wuxuu ka tegay Magaalada Muqdisho wuxuuna ku sii jeeday Degmada Afgooye.
Sababta keentay shilka gaarigan ayaa lagu sheegay iyadoo ay lug baxday, xili uu gaariga howli dheereeya ku socday. Qofka dhintay iyo seddexda ruux ee dhaawacmay ayaa waxay ka tirsanaayeen dadweynihii la socday gaarigaas, kuwaasi oo la sheegay in ay heysteen albaabka gaariga.
Inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ay u barakaceen dad badan oo ku noolaa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca shilal isugu jira gaadiid isku dhaca iyo kuwo rogmada.
Shilalka ayaa inta badan waxay ka dhashaan iyadoo darawallada gaadiidka kaxeeya aysan mas’uuliyad iska saarin gaadiidka iyo dadka ay wadaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay darawalladaas ka mid yihiin kuwo aan khibrad badan u lahayn kaxeynta gaadiidka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya