Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Axad, November 01, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in ay goor dhaweyd labo qarax oo miinooyin loo adeegsaday ka dhaceen magaaadaas.

Labada qarax oo is-xigay ayaa waxaa geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana dadka geeriyooday ka mid ah Taliyihii Qeybta 12aad ee Laascaanood Cusmaan Yuusuf  Nuur, halka ay qaraxyadaas ku dhaawacmeen ilaa 5 ruux oo kale oo afar ka mid ah ay ciidamo yihiin.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa haatan waxay tahay mid kacsan, waxaana socda dabagal ay wadaan ciidamada ammaanka Maamulka degmada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Wixii ku soo kordha qaraxyada ka dhacay Laascaanood kala soco halkan haddii Alle idmo

Barqad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland