
Hiiraan Online
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Arbaco, January 07, 2009(HOL) - Xulka qaranka K/cagta wadanka Soomaaliya ayaa galabta si rasmi ah uga haray tartanka 32-aad koobka xulalka K/cagta ee Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA oo sanadkan ka dhacaya wadanka Uganda, kaddib markii galabta uu guul-darro xoog leh uu kala kulmay xulka qaranka ee wadanka Uganda, waxaana ciyaartaas oo aad u xiiso badneyd ku soo idlaatay 4-0 oo guushu ku raacday xulka wadanka Uganda.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0, waxaana goolasha xulka Uganda u kala dhaliliyay weeraryahanadooda kala ah Tonny Mawaejja oo daqiiqadii 31-aad shuud xoog badan ka dhex bixyay difaacyadda iyo goolhayaha xulka Khaalid Cali iyo Sakule Owen oo daqiiqadii 39-aad kubad koorna ah madaxa la helay.

Markii qeybtii labada xulalku ay ka soo laabteen 15-ka daqiiqo ee nasashada ah ayaa macallinka xulka Maxamed Cabdi Faarax Geela wax weyn ka bedelay qaabkii markii hore uu soo ku soo galay ee ahaa 5-4-1, isgaoo shaxdiisa ka dhigay 4-4-2, waxaana weeraro badan oo ay qaaden laacibiinta xulka qaranka ee kala ah C/caziiz Hoomey, Siidi C/lle iyo C/rashiid Cadaay ay ku dhawaadeen in ay soo aaraan goolasha Uganda, hase ahaatee daqiiqadii 65-aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa marka kale weerarka Uganda Tonny Mawejja wuxuu lugta la helay kubad uu soo bixiyay difaaca Soomaaliya Maxamed Cali, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0.

Weeraryahanaka laga cabsado ee xulka Uganda Goffrey Massa oo ka ciyaara horyaalka wadanka Masar ayaa daqiiqadii 74-aad dhaliyay goolka quusta ee niyadda ka dilay ciyaartooyda wadanka Soomaaliya, waxaana ciyaartooyda Soomaaliyeed manta ay soo bandhigeen ciyaar qancisay dhammaan taageerayaashii labada dhinaca ee ciyaarta ka soo qeyb galay, waxaana taageerayaasha wadanka Uganda maanta horkacayay Wasiirkooda Sports-ka iyo dhalinyarada Charles Bakkabulindi, halka taageerayaasha soomaaliyeed ay maanta wax badan ka tiro yaraayeen kuwa Uganda, waloow ay jireen taageerayaal ajaanib ah oo ku soo biiray calanka Soomaaliya, maadaama ciyaar macaan oo la taageeri karo ay soo bandhigeen laacibiinta qaranka Soomaaliya.

Weeraryahanka xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Lillestrom ee wadanka Norway Ciise Aadan Abshir iyo difaaca qaranka Anwar Cali ayaa labaduba galabta ka maqnaa ciyaarta, kaddib markii dhaawacyo ay soo gaareen isniintii la soo dhaafay, waxaana Ciise uu dhaawac aan sidaas halis u sii aheyn ka gaaray jilibka bidixda, Anwar ayaa isna ka jabay kalxanta, waxaana dhaqaatiirtu ay sheegeen in muddo laba bilod ah uu garoomada ka maqnaan doono.
Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Axmed Nuur Xasan C/lle oo ah hoggaamiyaha ciyaartooyda iyo wafdiga soomaalida ah yaan wax ka weydiiyay dhibaatooyinka soo gaara xulka Soomaaliya, wuxuuna yiri "sida aad la socoto Faaraxoow wadanka Soomaaliya lagama ciyaarin horyaalka K/cagta, ma jirto koox sameyn karta tababar, waayo meel lagu sameeyo ayaan jirin, wadanka oo dhan dagaal ayaa ka socda, sidaas daraadeed waqti badan ayay nagu qaadatay in an helno ciyaartooy metela xulka Soomaaliya, Yurub iyo America ayaan wareegnay si aan u helno laacibiin difaaca magaceena"
"Dhibaato sidaas in ay jirto uma aragno ee aan ka aheyn daalka ay ciyaartooydu la kulmeen, waayo maalin dhaaf ayay ciyaaraheenu ahaayeen, hal maalin oo nasasho ah kaliya ayaan hayesanay, Guulo muhiim ah ayaan u aragnaa ka soo qeyb galkeena iyo jabkii aan gaarsiinay xulka Tanzania, taariikh ahaan xulkeena Soomaaliya kama guuleysan wadanka Tanzania xitaa waagi dowladdu ay jirtay, marka guul taariikhi ah ayaan gaarnay, wadammo badan ayaan ka fiicanahay, Itoobiya iyo Eritrea tartanka wa ka maqan yihiin, Soomaaliyana calankedii iyo sharafteedii waan keenay iyadoo aysan jirin cid maalgalin iyo dhiiro galin nala daba joogta" ayuu sii daba dhigay Axmed Nuur.
Tababaraha xulka Macallin Geela oo sanadkan muujiyay kalsooni dheeraad ah ayaa jawaab taas la mid ah ka bixiyay, wuxuuna sheegay ciyaartooyda soomaaliyed ay yihiin kuwa aad u yar yar ay leeyihiin mustaqbal aad u fiican, wuxuuna cadeeyay in haddii ay helaan taageerada dhaqaale, tan farsamo, nabad iyo kalsooni shacab ay guulo muhiim ah ka soo hoynayaan tartamada kale ee soo socda.
Tababaraha xulka Uganda Boby Williamson oo u dhashay wadanka Scotland oo aan wax ka weydiiyay dareenkiisa ciyaartii galabata xulkiisu uu 4-0 ugu awood sheegtay xulka Soomaaliya ayaa yiri "Kubad fiican oo macaan leh ayay nala ciyaareen xulka Soomaaliyda, runtiina waxan u arkaa ciyaartooy aad u dul qaad badan oo farsamo fiicani ku jirto, laakiin waxaan dhihi lahaa dadkooda Soomaaliyeed waa in ay taageeraan qarankooda, una ogolaadaan fursad nabadeed oo ay dalkooda ugu helaan in ay ciyaaraan horyaalka Soomaaliya, waayo waxaa igu maqaalo ah in ciyaartooydan aysan 3 sanadood wadanka ka ciyaarin, runtiina mustaqbal fiican ayay leeyihiin, ciyaartii galabtana waxay aheyd mid aan ku qanco natiijadeeda iyo sida ciyaartooydeda ay soomaalida ula qeybsadeedn ciyaarta"
Maadaama si rasmi ah xulka Soomaaliya uu uga haray tartankan CECAFA 2008 waxay ciyaartooydu isla berri ku laaban doonaan wadanka Jabuti, iyadoo kaddibna u sii kala safri doona Mareykanka, Canada, Inriiska, Norway iyo Soomaaliya oo ay kala yimaadeen, guusha ugu weyn oo ay ku faanayaane waxay tahay in markii ugu horeysay ay ka adkaadeen xulka Tanzania.
Ciyaartii kale ee qeybta A ee galabta la ciyaaray waxay dhex martay xulalka Rwanda iyo Tanzania, waxaana ciyaartaas ku soo idlaatay 2-0 oo guushu ku raacday wadanka Tanzania, waxaana xulalku dhibca ahaan u kala horeeyaan:-
No |
Wadan |
Dhibco |
| 1 | Uganda | 7 |
| 2 | Tanzania | 6 |
| 3 | Zanzibar | 4 |
| 4 | Soomaaliya | 3 |
| 5 | Rwanda | 3 |
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganda
Email:- [email protected]
Mobile:- +256 774228112