Arbaco, January 07, 2009(HOL): Inta la ogyahay Qof rayid ah ayaa ku geeriyooday mid kalana waa uu ku dhaawacmay howlo Raashin qeybin ah oo ay Hay'adda WFP ka waday qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne.
Maalintii shalay ayaa Xaafadda Howl-Wadaag ee Magaalada Beledweyne waxaa ku geeriyooday Nin dhalinyaro ah kadib markii ay ku dhacday rasaas ay fureen Ciidamo ilaalo ka hayay goob ay ku jireen dadka soo barkacay oo ay Hay'addu geysay wax xoogaa raashin ah, waxaana wararku sheegayaan in Ciidamadu rasaasta fureen kadib markii ay ka shakiyeen isku day la doonayo in Raashinka lagu boobo.
Sidoo kale saaka Waaberigii hore ayaa Xaafadda Kooshin ee Magaalada Beledweyne waxaa ku dhaawacmay qof rayid ah oo sida wararku sheegayaan damcay in uu qoriga ka qaato mid ka mid ah Ciidamo iyaguna ilaalo ka hayay goob ay ka socotay raashin bixin, waxaana dhaawaca qofka yaridka ah la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.
Hay'adda WFP oo kaashaneysa Xafiiska gargaarka Maamulka Islaamiga ah ee ka dhisan Goballka Hiiraan iyo NGO-yada Maxalliga ah ayaa waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka waday qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne gargaar la gaarsiinayo dadka dhibaateysan gaar ahaan kuwa ku jira Xeryaha barakacayaasha Magaalada Beledweyne, inkastoo hadana ay jiraan dad iyagu liita oo gargaarka la gaarsiinayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia