Qarax ka dhacay Isgoyska Towfiiq oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Arbaco, January 07, 2009(HOL): Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Hotel Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa maanta lala beegsaday Qaraxyo, iyadoo halkaasina ay ka soo gaartay waxyeello dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxa lala beegsaday Ciidamada Itoobiya oo isugu jiray mid gacanta laga tuuray iyo mid loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa wuxuu sababay dhimashada afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo dhaawaca 2 kale, kuwaasi oo ku sugnaa Bar Koontarool oo ay Ciidamada Dowladda lacago uga qaataan gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa xamuulka.

Waxaanan la ogeyn waxyeellada ay geysatay rasaas ay qaraxaas kadib fureen ciidamada Dowladda kadib markii qaraxa lala beegsaday. Qaraxyadaas ayaa waxay ahaayeen kuwo xooggan oo dhawaqooda laga maqlayay meelo ka fog halka ay ka dhaceen.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxay mar kasta la kulmaan weerarro toos ah, dilal iyo qaraxyo ay kala kulmaan Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Qaraxa maanta lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay qarax lala beegsaday Ciidamada Amisom oo howlgal miino-baaris ah waday uu

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia