Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Xoogagga ka soo horjeeda oo ka dhacay Degmada Wadajir

Isniin, January 05, 2009(HOL): Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa saaka wuxuu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Tabakaato Madow, halkaasi oo ay fariisimo ku lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa iyo haatan lama oga khasaare xooggan oo uu dagaalkan geystay, marka laga reebo qof rayid ah oo la sheegay in uu u geeriyooday xabad ugu gashay guri uu ku jiray oo ku yaala nawaaxiga halka uu dagaalka ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu degmada Wadajir dagaal ku dhexmaro Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga ka soo horjeeda, waxaana jiray dagaallo horay uga dhacay oo labada dhinac dhexmaray.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay u soo guurtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah waxaa ka dhaca dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa shisheeye ee gacanta siiya oo dhinac ah iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia