Isniin, January 05, 2009(HOL): Maamulka DGPL ayaa markii ugu horaysay ka hadlay afduuubayada ka dhacaya berriga Puntland, iyadoo maalintii shalay ahayd la sii daayay labo wariye afduub loogu haystay buuraha calmadaw ee gobolka Bari, waxaana maamulku uu sheegay in la bilaabayo is-badallo dhanka ammaanka ah.
Wasiirka Amniga DGPL C/llaahi Siciid Samatar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qaladka uu inta badan ka yimaado dadka Ajaanibta ah ee sida sharci darrada ah ku soo gala gudaha Puntland, waxaana uu ka codsaday dadka soo galaya gudaha Puntland in ay soo maraan Maamulka si ammaankooda loo sugo.
C/llaahi Siciid Samatar ayaa intaasi ku daray in maamulka Puntland uu baahan yahay in laga taageero dhanka ammaanka ,iyadoo afduubkii ugu danbaysay laga sii daayay labo wariye uu u shaqaynayay wargeyska Telegraph.
"Maamulka Puntland awood uma lahan in uu wax ka qabto dhinac walba, balse waa in lala gacan qabtaa arrimahaas oo dhan" sidaas waxaa yir wasiirka Amniga Puntland C/llaahi Siciid Samatar.
Docda kale Wasiirka kama uusan hadlin in lacag madax furasho ah la sii yay burcadi afduubka u haystay labadaasi wariye, balse waxaaa uu sheegay in odayaasha deegaanka ay gacan ka gaysteen sii dayntooda.
Ugu danbayntii arimahaan oo dhan ayaa ku soo aadaya iyadoo Khamiista soo socota uu talada Puntland la wareegayo madaxwayne cusub oo badalaya Madaxwaynaha iminka talada hayo ee Cadde Muuse, inkastoo aan la ogayn cidda ku guulaysna doonta.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia