Maxkamadaha Islaamka oo ka jawaabay hadallo uga yimid Dowladda Federaalka, Al-Shabaab iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha

Isniin, January 05, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu jawaab ka bixiyay hadallo maxkamadaha loo jeediyay oo ku saabsanaa saldhigyo boolis oo ay la wareegeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise  Caddow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadooda la wareegay saldhigyada boolis ee Muqdisho ku yaala ay yihiin kuwo nabadgelyada sugaya oo aan cidna weerar ku ahayn.

C/raxiin waxaa uu sheegay in uu ka xun yahay in la yiraahdo ciidamadaas waxay dul-degeen suuqa Bakaaraha iyo looma baahneyn in ay saldhigyo qabsadaan, “Dadka dhahaya looma baahna in saldhigyo la qabsado waxaan leenahay meelaha aan degnay waxay ahaayeen meelo ay ciidamo Copy ah deganaayeen, laakin ma is-weydiiseen yey yihiin dadka qabsaday deegaanno ay maamullo ka jireen oo dalka Soomaaliya ku yaala”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.

Afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamka waxaa uu ka jawaabay hadal kale oo uga yimid Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kaasi oo ahaa in ay Suuqa dul-degeen ciidamo ka socda Maxkamdaha Islaamka, wuxuuna sheegay C/raxiin in Ciidamada degay Saldhiyada Howl-Wadag iyo Hodan oo Suuqa Bakaaraha u dhow ay yihiin dhalinyaro horay u difaaci jiray Suuqa Bakaaraha, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in sidaas la yiraahdo.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Howl-gallada Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ay intuba sheegeen in aan loo baaheyn in xiligan Saldhigyo boolis la qabsado.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia