Jimco, January 30, 2009(HOL): Maamulka DGPL ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maxkamad la soo taagayo 9 nin oo burcad badeed Somaalia ah ,kuwaasi oo shalay gelinkii danbe la keenay dekadda Bosaaso kadib markii ciidamada badda ee France ay ka soo qabteen xeebaha Somalia.
Wasiirka amniga DGPL C/llaahi Siciid Samatar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ragga la keenay ay danbi wayn ka galeen umadda Soomaaliyeed ,isla markaana maxkamad la soo taagayo maalmaha soo socda.
Saxaafadda ayaa wasiirka waydiisay sida laga yeelayo kuwii horay maamulka loogu soo gacan galiyay oo qaarkood ay baxsadeen qaarna gacanta lagu hayo, waxaana uu sheegay in danbiga ay u wada siman yihiin Burcada oo dhan.
"Ma dhici doonto in burcad danbe ay ku sii jiraan xabsiyada Puntland ,waana naga go,an tahay sidii danbigooda loogu qaadi lahaa "ayuu intaasi sii raaciyay Wasiirka Amniga Puntland C/llaahi Siciid Samatar.
Waa markii afaraad oo maamulka Puntland loo soo gacan galiyo burcad badeed Soomaali ah ,iyadoo wali aysan jirin cid ilaa iyo hadda maxkamd la soo taagay oo Burcadda ka tirsan,waxaana hadalka wasiirka uu ku soo aaday, iyadoo maraakiib shisheeye ay ku sugan yihiin xeebaha Somalia.
Ugu danbayntiina maamulka cusub ee Puntland ayaa la soo baxaya siyaasad cusub oo ku aadan la dagaalanka Burcad badeedda ,iyadoo taasina ay ku soo beegmeyso iyadoo degmada Ayl afduub loogu haysto in ka badan 15 markab oo caalamka laga leeyahay.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia