
Jimco, January 30, 2009(HOL): Waxaa shalay lagu soo gebagebeeyay Garoonak Kubadda Kolayga 1-da Luulyo (Ex-Luujino) Tartanka Horyaalkii 25aad ee Kubadda Kolayga Soomaaliya, waxaana koobkii tartankaas loo dhigay ku guuleysatay Kooxda Gabdhaha Kubadda Kolayga Horseed.
Ciyaartii kama dambeysta ahayd oo shalay Garoonkaas ku dhexmartay Kooxaha Gabdhaha Horseed iyo Heegan oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa daawashadeeda ka qeybgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena ay ka qeybgaleen daawashadeeda madax ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo madax kale oo ka socotay maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madaxdii ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada GOS hoosyimaada ayaa waxaa ka mid ahaa Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Prof. Maxamed Cali Caddow, Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow), Ibraahim Xuseen Roombe, Maxamed Xuurshe Xuseen Eenow, C/kariin Dilaxow iyo xubno kale.
Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa si weyn u jiidatay madaxdii ka socotay Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana la arkayay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/fataax Shaawey oo taageeraya Kooxda Horseed, halka Col. Yuusuf Xuseen Dhuumaal iyo Col. Cali Saciid Shiikh Xasan oo ka tirsan Saraakiisha Taliska Booliska Soomaaliyeed oo iyana taageerayay Kooxda Heegan.
Ciyaartii kama dambeysta ahayd ee shalay dhexmartay labada kooxood ayaa waxaa ahayd mid qaab ku celis ah ku timid kadib markii ay labada kooxood kala badin waayeen is-araggii koowaad iyo midkii labaad, waxayna ciyaartii shalay oo labada kooxood u dhaxeysay ay ku soo gebagebowday 66-46 oo ay guushii ku raacday Kooxda Horseed.
Kadib dhamaadkii ciyaarta waxaa hadallo kooban jeediyay madaxdii ka socotay GOS iyo madaxdii ka socotay Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Guddoomiye ku xigeenka GOS, ahna Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu si habsami leh u soo gebageboobay Horyaalkii 25aad ee Gabdhaha Kubadda Kolayga Soomaaliya, wuxuuna kadib u mahadceliyay dadweynihii maalin walba daawashada u imaan jiray, ciyaartoydii, macallimiintii iyo garsoorayaashii qeybta muhiimka ah ka qaatay in uu tartankaas u socdo sidii loogu talagalay.
Intaas kadib waxaa hadalkii qaatay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Shaawey oo sheegay in ay farxan u tahay in uu daawado ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Horyaalka 25aad ee Gabdhaha Kubadda Kolayga Soomaaliya ayaa wuxuu lacag Shan Milyan Sh. So ah u ballanqaaday Kooxda Horseed ee Koobka qaadatay.
Col. Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo ku hadlayay magaca taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in inkastoo kooxdooda Heegan laga badiyay hadana wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay koobka qaado kooxda Horseed oo mar kasta uu xafiltan kala dhaxeeyo kooxda Heegan, wuxuuna ku samirsiiyay ciyaartoydii iyo taageerayaasha Heegan in ciyaarta ay cad iyo madow tahay, isla markaana ay badin karaan, lagana badin karo.










Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia