Jimco, January 30, 2009(HOL): Waxaa saacado kaliya naga xigtaa doorashada madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, taasi oo galabta ka dhici doonta guriga Umadda Jibouti.
In ka badan 10 musharax oo isu soo taagay in ay xilka madaxweynenimada qabtaan ayaa Xildhibaano ka badan 400 oo mudane waxay dooran doonaan mid ka mid ah musharixiintaas oo soo qadimay waxyaabaha ay doonayaan in ay qabtaan marka xilkaas loo doorto.
Musharixiinta ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxaana musharixiinta kale ka mid ah Maslax Maxamed Siyaad Barre, Cali Khaliif Galeyr, Yuusuf Cumar Azhari, Xasan Abshir Faarax, Maxamed Maxmuud Guuleed Gacma-dheere iyo kuwo kale, iyadoo ay xusid mudan tahay in Maxamed Qanyare Afrax uu xalay shaaciyay in uu isaga haray tantanka madaxweynenimada.
Doorashada madaxweynaha oo qaab qarsoodi ah u dhici doonta ayaa marka ay soo idlaato waxaa madaxweynaha la doortay la dhaarin doonaa maalinta berri ah, iyadoo maalinta xigta ee Axadda ahna uu ka qeybgeli doono Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka dhici doona Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Dadaalka lagu dhisayo Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa waxaa si weyn isugu howlay Qaramada Midoobay, Dowladda Jibouti iyo Beesha Caalamka, wuxuuna shirkan noqonayaa midkii ugu waqtiga gaabnaa ee Soomaaliya dowlad loogu dhiso, waa marka loo eego shirarkii horay loogu qaban jiray Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia