Jimco, January 23, 2009(HOL): Dadka ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxay soo dhaweeyay hadallo ay sii daayeen madaxda Maamullada Degmooyinkaas iyo mas’uuliyiinta Jabhul Islaamiya oo xoogag kala taabacsan ay dhawaan dagaallameen.
Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Daaci) iyo Shiikh Maxamed Ibraahim Xeyle oo ah Guddoomiyaha Jabhul Islaamiya ayaa labaduba waxay ballanqaadeen in aysan wax xabad ah ridi doonin, waa haddii buu yiri mid kasta aaney xabad dhinaca kale uga imaanin.
Marka laga reebo dadka Degmooyinkaas ku haray ee soo dhaweynaya dhawaqa mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxaa dhinaca kale jiray dad badan oo degmooyinkaas ka barakacay, kuwaasi oo u dul-qaadan waayay madaafiic iyo rasaas aan loo meel dayin oo ay dhinacyada dagaallamay isku ridayeen.
Mas’uuliyiinta Jabhul Islaamiya oo haatan gacanta ku haya Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley ayaa ku sheegay sababta ay u dagaallamayaan in ay degmooyinkaas ka suulinayaan fasahaad ay ciidamada degmooyinkaas ka wadaan, halka mas’uuliyiinta labada degmo-na ay sheegayaan in ay ku soo duuleen Xoogag doonaya in ay dagaal wax ku qabsadaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalladii ka dhacay degmooyinkaas oo sababay dhimashada dad 10 ruux ka badan iyo dhaawac intaas ka badan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay magaalada Muqdisho ka baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo labo sano ah ku sugnaa, iyadoo markii ciidamadaas baxeenna la filayay in ay joogsan doonaan dagaalladii socday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia