Jimco, January 23, 2009(HOL): Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa xalay gaaray magaalada Jibouti ee dalka Jibouti.
Shiikh Aadan Madoobe oo ka soo laabtay socdaal uu ku tegay Dalka Kuweyt ayaa markii uu gaaray Magaalada Jibouti waxaa uu la hadlay warfidiyeennada, wuxuuna sheegay in xiriirro badan oo lala soo sameeyay kadib uu ogolaaday in laga wada qeybgalo dadaallada Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda Dalka Jibouti, isla markaana laga shaqeeyo sidii dadka Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa.
Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u qabay in inta aan la gaarin dhismaha Dowlad-Midnimo-Qaran oo Soomaaliya loo sameeyo in marka hore la doorto Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna horseed u ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo arrintaas aad ugu ololeynayay.
Haatan waxaa muuqata in Shiikh Aadan Madoobe uu fikirkaas ka tanaasulay, isla markaana uu qaatay go’aanka ay Beesha Caalamka wadato ee ah in Dowlad-Midnimo-Qaran lagu dhiso Jibouti, taasi oo ay awoodda ku qeybsanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Dhanka kalena, Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee fariisinka KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya waxay sheegayaan in saaka halkaas ay tageen labo diyaaradood oo Jibouti u qaaday ku dhawaad 66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo maalinta berri ahna la filayo in ay Baydhabo gaarto diyaarad qaadi doonta Xildhibaannada ugu dambeeya ee Baydhabo ku sugan, kuwaasi oo uu hoggaamin doona Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia