Maxamed Xaaji Xuseen
BBCSomali.com
Jimco, January 23, 2009 (HOL): Max'ed Cumar Xabeeb oo ah guddoomiyihii hore ee Banaadir ayaa BBC uga warramay sidii loo xiray, & sida loo sii daayay isagoo sheegay inuu dhisayo xisbi siyaasadeed oo tartama.
M.Dheere
Maxamed Dheere ayaa xariggiisa ku eedeeyey inay ka dambeeyeeen ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde), iyo ra'iisul wasaare ku xigeenkiisa, Axmed Cabdisalam Aadam.
Mr. Xabeeb ayaa sheegay in 22-kii maalmood ee uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay, isagoo intaas raaciyey in isaga iyo nin laal xiray-ba, aan wax su'aal ah laga weydiin sababihii loo soo qabtay.
Maxamed Dheere, ayaa beeniyey eedeymo sheegay inuu doonayey inuu soo celiyo hoggaamiye kooxeednimadiisii hore, isagoo sheegay inuu si nabadgalyo ah xilka uga dagay.
Maxamed Dheere ayaa sheegay in isaga iyo saraakiisha Ethiopia ee uu u xirnaa, oo ahaa kuwa ay markii hore isla shaqeyn jireen, inay is-afgarteen, isla markaana aanuu wax cuqdad ah u qabin.
Xisbi siyaasadeed
Maxamed Dheere, oo ka warramayey mustaqbalkiisa siyaasadeed, ayaa sheegay inuu marka hore ku laaban doono magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sheegay inuu kasoo dhisi doono xisbi siyaasadeed, oo sida uu sheegay si dimoqraadiyad ah uga qeyb qaadan doona hanaanka siyaasadeed ee dalka.
Isha Warka: bbcsomali.com