Jimco, January 02, 2009(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka waxay dad rayid ah oo tiradooda ku dhowdahay 10 ruux waxay ku dileen nawaaxiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halka ay dhaawaceen tiro kale oo intaas ka badan.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dadkaas toogtay kadib markii iyagoo howlgallo ka sameynayay inta u dhaxeysa Daarta Tree Piano iyo Isgoyska KM4 lagu qarxiyay Miino sababtay in ay dhinteen qaar ka mid ah askartii howlgallada sameynayay.
Rasaas ay qaraxaas kadib fureen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa ku geeriyooday 7 ruux oo rayid ah oo da’aad kala duwan isugu jiray, kuwaasi oo qaarkood ay si bareer ah u toogteen.
Ciidamadan ayaa waxay ka soo dhaqaaqeen nawaaxiga Shineemo Soomaaliya ee Wadada Makka Al-Mukarrama, halkaasi oo ay ku leeyihiin fariisin, waxayna dadka goobaha ganacsi ku heysta hareeraha wadadaas ay sheegeen in ay Ciidamada subax kasta sameyn jireen howlgallo ay miinooyin ku baarayaan.
Wuxuu ahaa Qaraxii ugu horeeyay oo muddo bilooyin ah ka dhaca Wadada Makka Al-Mukarrama, walow ay Wadadaas ka dhici jireen qaraxyo xiriir ah oo qaarkood ay waxyeello ka soo gaari jirtay Ciidamo Itoobiyaan ah oo wadadaas si joogto ah u isticmaali jiray.
Dilka ay saaka dadka rayidka ah u geystyeen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay maalmo faro-ku-tiris ah ka harsan yihiin waqtigii ay Dowladda Itoobiya qabsatay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, kaasi oo ah 5ta bishan Janaayo 2009.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia