Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay arrimo ku saabsan dowladdii uu iska casilay, Burcad Badeedka iyo Puntland

Cabirka Farta

Jimco, January 02, 2009(HOL): Madaxwaynahii hore ee dalka Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qayb galay dhaarinta xildhibaanada barlamanka Puntland ayaa ka hadlay xaalado badan oo ku saabsan arimaha dalka Somalia guud ahaan, gaar ahaan Puntland iyo doorashooyinkeeda.
 
C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii shacabka Puntland ay isaga kaashan lahaayeen dhanka ammaanka oo waqtiyadii u danbaysay soo xumaanayay, isagoo ka digay dhibaato ku timaado doorashada lagu wado in ay dhacdo 8 bishan aynu ku jirno.
 
"Waxaa jira dad ka soo horjeeda danaha Ummada Somaaliyeed iyo tan Puntland ,waana in laga hortagaa dhibaatooyinkaas oo dhan inta aysan dhicin "Sidaasi waxaa xildhibaanada Barlamanka Puntland ka hor sheegay madaxwaynihii hore ee dalka Somalia C/llaahi Yuusuf.
 
Sidoo kale C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in Burcad Badeedu ay caqabad ku yihiin danaha ummada Puntland, isagoo ku eedeeyay Punland in ay ka seexatay Wax ka qabashada Burcad badeedda oo beryihii u dambaysay ku soo badanayay Xeebaha Puntland.

Mar uu ka hadlayay C/llaahi Yuusuf dawladdii uu iska casilay ayuu sheegay in ummada Soomaaliyeed ay khatar ku sugan yihiin haddii aan talada dalka loo dhiibin dad xilkas ah, isagoo intaas ku daray in uu jecel yahay nabad ka dhalata guud ahaan dalka Somalia.

Ugu danbayntii Madaxwaynihii hore ee dalka Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa inta badan laga dheehan karay hadalladiisi in uu wali uu cagaha kula jiro siyaasadda dalka Somalia ,iyadoo ay jireen warar sheegaya in C/llaahi Yuusuf uu siyaasadda isaga fariistay.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia