Mas’uul ka tirsanaa Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka oo lagu dilay Magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Jimco, January 02, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaas lagu dilay mas’uul ka tirsaan Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka Soomaaliyeed.

Mas’uulka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/llaahi Cabdi Cigaal, waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.

Halka uu dilka ka dhacay oo ahayd nawaaxiga Bangiga Baydhabo ayaa waxaa markii dilka dhacay kadib soo gaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii ka dhawaa halkii uu dilka ka dhacay.

Dilka mas’uulkan ka tirsanaa Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) uu shalay sheegay in amni darrada ka jirta magaalada Baydhabo wax laga qabanayo, isla markaana ciidamo badan la howlgeli doono, isagoo marka uu hadalkaas jeedinayay farriin u dirayay Xildhibaano ka maqan Baydhabo, kuwaasi oo uu ugu baaqayay in ay soo gaaraan Xarunta Baarlamaanka si ay uga qeybgalaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia