
Isniin, January 12, 2009(HOL): Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyay Shukri Maxamed Cabdi oo buro ay dhabarka kaga taallo, isla markaana dalka gudahiisa wax looga qaban waayay.
![]() |
| Shukri Maxamed Cabdi oo 5 bilood jir ah |
Haddaba waxaa la is-weydiin karaa yaa ku caawiya Cabdi Muuse Maaxaay dadaalka uu wado?, isla su’aashaas waxaan weydiinay Maaxaay qudhiisa, wuxuuna sheegay in ay caawinta caruurta Soomaaliyeed kala qeyb-qaataan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu xusay Caa’isha, Caabiyo Ciise, Prof. Warsame Xasan Cali, C/qaadir Siid Axmed, Maryan Maxamed Hilowle, Luul Nuur iyo Dalladda Haweenka COGWO oo iyadana si weyn ugu howlan sidii loo caawin lahaa dadka ay Caafimaad darrada ku heyso Soomaaliya.
Halkan ka dhegeyso Wareysi aan la yeelanay Qaar ka mid ah
Dadka gacanta ka geysta Caawinta Caruurta Soomaaliyeed –By: Salaad Xiis
Waxaa Shukri iyo Hooyadeed ka amba bixiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Fartuun Xasan Sobraal (Midig taagan), Sahra Maxamed Axmed, Salaad Xiis iyo Maryan Taqal (Bidix Fadhida)
Haddaba Qof kasta oo Soomaaliyeed oo ka qeyb-qaadan kara dadaallada lagu caawinayo Caruurta Soomaaliyeed eeku xanuunsaneysa gudaha Soomaaliya waxaa laga codsanayaa in intii karaankiisa/keeda ah uu uga qeyb-qaato gurmad loo sameynayo dadka ku xanuunsanaya gudaha dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, haddii aad dooneysid in aad ka qeybgasho Caawinta Dadka Soomaaliyeed ee ku xanuunsanaya gudaha Dalka Soomaaliya waxaad la xiriiri kartaa:
Caabiyo Ciise
612-298-1044
Minneapolis Minnesota
Fartuun Hussein
612 481-4623
Minneapolis Minnesota
ama [email protected]
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
