Isniin, January 12, 2009(HOL): Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Xasan Shiikh ayaa Xarunta Xafiiska Maamulka Goballka Hiiraan waxaa uu kaga dhawaaqay Magacyada Maamul Islaami ah oo loo sameeyay Degmada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan.
Xasan Shiikh oo uu dhinaciisa fadhiyo Shiikh C/raxmaan Ibaraahim Macow ayaa sheegay in wada tashi iyo kulmo dheer oo uu Maamulku galay kadib leysla gartay in la dhiso Maamul ka arrimiya howlaha Degmada.
Xasan Shiikh waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Beledweyne loo magacaabay Shiikh Aadan Ibaarhim Cusmaan, Ku-xigeen Axmed Cuumiye Ducaalle, Taliyaha Ciidamada Shiikh Cabdi Max'ed Cusmaan, halka Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada loo magacaabay C/raxmaan Cilmi Buruko oo ka tirsanaan jiray Maamulladii is-xig-xigay oo ay Dowladda Federaalku u soo magacaawday Goballka Hiiraan.
Marka la eego dhismaha Maamulka cusub ee lagaga dhawaaqay Degmada Beledweyne ayaa muujinaya wada jirka Maxkamadaha Islaamiga iyo waliba Koox Diimeedka Jabhad Islaami oo ka wada tirsan Maamulka, sidoo kale waxaa dadka si weyn u soo jiitay shakhsiga loo xushay in uu noqdo Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada C/raxmaan Buruko, oo labo jeer Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada ka soo noqday Maamulladii is-xig-xigay ee Yuusuf Dabageed iyo Xuseen Muxumed Maalin (Ayax) isla markaana si weyn u weerari jiray nidaamka Maxkamaduhu ku dhisan yihiin.
Sidoo kale Maamulka looga dhawaaqay Degmada Beledweyne ayaa soo afjaraya dhismaha Maamullada dhammaan Degmooyinka Goballka Hiiraan, maadaama Degmooyinka Buula-burte, Jalalaqsi, iyo Maxaas, kol hore looga dhawaaqay Maamulo Islaami ah .
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Degmada Beledweyne oo markii ugu horeysay loo sameeyay Maamul Islaami ah
More News
- Madaafiic Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho ku laabtay
- Ka qeyb-qaado gurmadka loo sameynayo Caruurta Xanuuneysa ee aan gudaha Dalka Soomaaliya wax looga qaban karin
- Madaxa Xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo sheegay in Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho xabad lagu joojiyay
- Dagaal ka dhacay duleedka Baardheere
- Xaaladda Degmada Guriceel oo degan kadib dagaal khasaare geystay oo shalay ka dhacay
- Jen.Cadde Muuse oo loo magacaabay la taliyaha Madaxweynaha cusub ee Puntland ee dhanka baarista Shidaalka iyo khayraadka
- Dowladda Ghana oo sheegtay in ay Ciidamo u soo direyso Soomaaliya