![]() |
| Xuseen Siyaad Qoor-gaab |
“Ciidamo Itoobiyaan ah oo isu diyaariyay in ay ka baxaan Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayay kooxo nabad-diid ah dagaal ku qaadeen, dib ayayna ciidamadaas ugu noqdeen xerooyinkii ay ka bixi lahaayeen”ayuu yiri Xuseen Siyaad Qoor-gaab.
Xuseen Siyaad Qoor-gaab waxaa uu intaas ku daray in uu dareemayo in ay jiraan dad aan rabin in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Dalka Soomaaliya, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in markii Ciidamada Itoobiyaanka oo gaadiidkooda u raran yahay ay u soo baxeen bannaanka xerooyinkii ay ku jireen xabad lagu bilaabay.
“Waxaan kula talineynaa kooxahaas in ay ogolaadaan in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, waxaana leenahay ha daadinina dhiigga shacabka Soomaaliyeed, wiil dambena yuusan ku dhiman dagaal macno darro ah”ayuu mar kale yiri Xuseen Siyaad Qoor-gaab.
Madaxa Xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Xuseen Siyaad Qoor-gaab waxaa uu intaas ku daray in marka ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan ay diyaar yihiin ciidamadii la dejin lahaa fariisimada ay baneeyaan Ciidamada Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
