Dagaal iyo Duqeyn ka dhacday Muqdisho

Cabirka Farta

Khamiis, January 01, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa caawa Salaaddii maqrib kadib ka dhacay Dagaal iyo duqeyn is-daba socday, kuwaasi oo geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Duqeynta oo inteeda badan loo geystay Suuqa Bakaaraha iyo heerarihiisa ayaa waxay timid kadib markii dagaal waqti kooban socday uu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dad Rayid ah oo guryo deegaan ah ku leh nawaaxiga Suuqa Bakaaraha iyo Dadka ku hoyanayay Gudaha Suuqa kadib markii ay guryahoodii noqdeen aagag dagaal ayaa waxaa duqeynta ka soo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qof goob-jooge ah oo ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu noo xaqiijiyay in 2 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen duqeyntaas Suuqa loo geystay, iyadoo ay jiraan dad kale oo duqeynta ku dhaawacmay, kuwaasi oo aan la ogeyn inta ay tiradooda la eg-tahay.

Waa markii seddexaad oo todobaad gudahiis la duqeeyo Suuqa Bakaaraha, waxaana intaba duqeyntaas  ku dhimanayay kuna dhaawacmayay dad rayid ah oo qaarkood ay ku baaba’een gudaha  maqaayad ku taala Suuqa Bakaaraha oo uu madfac ugu galay.

Ugu dambeyntiina, Dad badan oo ku dhaqan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa waxay is-weydiinayaan sababta mar kasta oo uu dagaal ka dhaco xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho loo duqeeyo Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia