Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo rajo nabadeed u muujiyay Shacabka Soomaaliyeed

Cabirka Farta

Khamiis, January 01, 2009(HOL): Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa wuxuu rajo nabadeed u muujiyay shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka oo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay aas-aaska Dowladda Hoose ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu sanadka 2009 ka baxayo fowdadii iyo nabad la’aantii ay dadka Soomaaliyeed mudada dheer ku soo jireen, wuxuuna caddeeyay in ay dadka u gudbayaan nabad iyo dowladnimo.

Waxaa uu ka digay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka in la yiraahdo dalka waa lagu kala tegay, waxaana dib loogu noqonayaa Qorigii, Dagaalladii iyo Fowdadii, wuxuuna caddeeyay in ay jirto rajo ah in Soomaaliya loo dhisi doono dowlad-midnimo-qaran, taasi oo shacabka Soomaaliyeed ay ku heli doonaan nabad iyo nolol.

“Waxaan ka digeynaa in la yiraahdo meesha waa lagu kala tegay, dalkana wuxuu gelayaa xaalad fowdo ah, taasi sax ma ahan, waxaana jira sawir midkaas ka duwan oo ah in uu dalka Soomaaliya gelayo sanadkan 2009 xaalado ka wanaagsan tii uu ku soo jiray sanadihii aynu ka soo gudubnay”ayuu yiri Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa tan iyo markii uu ku soo biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa is-bedelay siyaasad awood-ku-muquunin ku dhisneyd oo ay adeegsan jirtay Xukuumaddii hore ee Soomaaliya, waxaana la xusuusan yahay in Xukuumadda cusub ee uu ka tirsan yahay ay la timid siyaasad dabacsan oo ugu dambeyntii keentay in ay heshiis gaaraan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia