Khamiis, January 01, 2009(HOL): Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in guddi loo saarayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Shiikh Aadan Madoobe oo la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo shir ku yeeshay Xaruntooda KMG ah ee ADC-da yaa sheegay in si dhaqsi ah loo magacaabayo guddiga ka soo shaqeyn doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Sii hayaha Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan MAdoobe ayaa intaas kadib waxaa uu ugu baaqay xildhibaano ka maqan magaalada Baydhabo in ay muddo 7 maalmood gudahood ah ay Baydhabo ku soo gaaraan, si ay uga qeybgalaan doorashada madaxweynaha, isagoo Xildhibaankii mudadaas ku imaan waayana ka codsaday in uu soo gudbiyo istiqaaladiisa, si buu yiri ay beeshiisa u bedelato.
Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu is-casilay Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed kadib cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka.
Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu dhigayaa in marka uu madaxweyne shaqada ka tago ay lagama maarmaan tahay in uu Baarlamaanka ku soo doorto Madaxweyne kale muddo 30 cisho gudahood ah.
Ilaa iyo haatan waxaa shaaciyay in uu xilka madaxweynenimada Soomaaliya isu soo sharaxay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa musharixiintii xilkan u tartamay intii uu socday shirkii Mbagathi ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia