Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo ka degay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Cabirka Farta

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke
Khamiis, February 26, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ka degay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha oo ay Wafdigiisa ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada oo laga xusay ku xigeenkiisa, ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Wasiirka Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha oo ay u tahay markii ugu horeysay oo uu Muqdisho yimaado isagoo xil dowladeed haya ayaa markii uu diyaaradda ka soo degayay waxaa la arkayay iyadoo ay la socoto ilaalo gaar ah oo la sheegay in ay ka soo raaceen Dalka Jibouti.

Imaatinka Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ee Muqdishu ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay magaalada Muqdisho ka soo cusboonaadeen dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Midnimada Qaran iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogag ka amar qaata Xisbul-Islaam oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho ah iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad rayid ah oo aad u badan.

Xukuumadda uu madaxda ka yahay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa waxaa hortaalla howl baaxad leh oo ay ugu horeyso nabadeynta Dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, sii wadida dib u heshiisiinta iyo weliba u gargaaridda dadkii ku barakacay dagaalladii Muqdisho ka dhacay intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen.

Maalmaha soo socda ayaa iyana la filayaa in ay Muqdisho soo gaaraan Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u badnaan doona Xildhibaannada Dowladda ee weli ku harsan Dalka Jibouti.

Ugu dambeyntiina, Xubnaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo tan iyo dhamaadkii bishii hore ku sugnaa Dalka Jibouti ayaa haatan waxay ku soo noqonayaan Dalka Soomaaliya, shalay ayayna ahayd markii Xildhibaanno ku dhow 100 mudane oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay soo gaareen Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia