Maxaad ku caawin kartaa wiilkan yar ee Xanuunsanaya?

Cabirka Farta


Khamiis, February 26, 2009(HOL): Runtii ma ahan wax sahalan Xanuunka haya C/llaahi Cumar Xaanshi Cusmaan oo ah Wiil yar oo 5 Bilood  jir ah, kuna nool Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan, kadib markii uu la soo darsay Xanuun dhinaca Maqaarka ah oo sababay in jirkiisa oo idil uu dil-dilaaco.

Hooyada dhashay wiilkan oo lagu magacaabo Nimco Xassan Cali ayaa sheegtay in ay aad uga murugeysan tahay dhibaatada heysata Wiilkeeda yar waxaana ay sheegtay in maalin iyo habeen ay ku mashuulsan tahay xaaladdiisa '' Jiifka ma qabanayo sidoo kale dhabta kuma heyn karo oo jirka oo dhan ayaa danqanaya”ayay tiri Hooyo Nimco oo intaas ku dartay in waqtigeeda oo idil ay ku dhameysato sidii ay isaga u ilaalin laheyd.

Waxaa ay intaas ku dartay in xiriir ay la sameysay dhaatiir kala duwan oo xitaa ay ku jiraan kuwa MSF-Swiss ee ka howlgala Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne ay ku wargaliyeen in Xaaladda Caafimaad ee C/llaahi Cumar aan gudaha waxba looga qaban karin, waxaana ay intaas sii raaciyeen ayeey tiri in Xanuunka haya uu yahay mid u  baahan daaweyn dibadda ah waana tan igu qasabtay in aan Warbaahinta u soo badhigo xaaladda Wiilka” ayay sii raacisay Nimco Xasan Cali oo aad ula murugeysan Wiilkeeda.

Xunuunka Maqaarka ah ee heysta C/llaahi ayaa marka aad u sii fiirsato waxaa uu u muuqdaa mid u sii gudbaya Idhaha taas oo marka dambe khatar galin karta araga, waxaana sidoo kale xusid mudan in xanuunku yahay mid marba marka ka danbeysa ku sii fidaya qeybaha kale ee jirka.

Hadaba ugu dambenytii Nimco Xasan Cali  waxaa ay ka codsaneysaa dhamaan dadka muxsiniinta ah ee ka danqabana dhibaatada Caafimaad ee heysta Wiilkeeda yar in ay wax kala qabtaan sidii uu u heli lahaa daaweyn Dibadda ah maadaama gudaha looga quustay.
 
Hadii aad waxa ka qaban karto Xaaladda C/llaahi Cumar la xiriir Tel. 002521-5584915 oo laga helo Shiinno C/laahi oo ah Wiilka Adeerkiis.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia