Dagaal maalintii seddexaad ka dhacay Muqdisho

Cabirka Farta


Ciidamada Amisom iyo dadweyne ku sugan Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan oo ka mid ah meelaha ay dagaallada ka dhaceen


Khamiis, February 26, 2009(HOL): Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa maalintii seddexaad waxaa maanta ka dhacay dagaallo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag ka amar qaata Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.

Dagaalka maanta ka dhacay xaafadaha ka tirsan Degmada Hodan ayaa waxaa uu ahaa mid aan u xoogganeyn sida dagaalladii shalay iyo dorraad dhacay, wuxuuna yahay mid marna bilaabanaya marna istaagaya.

Dagaalladii shalay iyo dorraad ka dhacay Degmada Hodan ayaa wuxuu geystay dhimashada  dad ka badan 50 ruux iyo dhaawac 100 ruux kor u dhaafaya, kuwaas oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay guryaheeda ugu tageen madaafiic ay dhinacyadii dagaallamay isu adeegsadeen.

Dagaalladan oo ah kuwii ugu cuslaa oo Muqdisho ka dhaca tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho bartamihii bishii Janaayo 2009.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxgarad, Odayaal, Culumaa’udiin iyo Aqoonyahanno ku sugan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa tan iyo markii ay dagaalladan bilowdeen waxay soo saarayeen baaqyo ay ku dalbanayaan in dagaalka la joojiyo, isla markaana waxyaabaha la isku hayo laga wada hadlo, iyadoo baaqyadaasna ay u muuqdaan kuwo aan loo hoggaansamin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia