
Madaxweynaha Jibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle: SAWIRKA Hiiraan Online
Isniin, February 16, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo xalay ka hadlayay xaflad casho ah oo uu u sameeyay Madaxda Dowladda Midnimada Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Dowladdaas ayaa wuxuu mid-mid ula dardaarmay madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Geelle ayaa dardaaranka ku horeysiiyay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed, wuxuuna u hormariyay ammaan uu ujeediyay taasoo ahayd in Shariifku yahay nin karti hoggaamineed leh, runta sheega, dhalinyaro ah, iimaan iyo diin leh,dhowrsoon, isla markaana dalkiisa iyo dadkiisa jecel, kadibna waxaa uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu jeediyay in uu diyaar-garoobo hoggaaminta dal ay wax walba ka burbureen, kaasi oo muddo dhowr iyo toban sano ah aan lahayn wax dowlad ah
“Wadada aad marineyso dalka Soomaaliya waddo adag weeye ma sahlana, waa in aad ku talagashaa dhibka uu gudashada xilkaas leeyahay iyo midka adiga si gaar ah kaaga soo gaari kara, waa in aad Allaah la kaashato Ummaddaada aad kalsooni geliso, dadkaaga aad la kaashato, dadka saboolka ah ee dhibaateysanna aad soo dhaweysato”ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo u rajeeyay Madaxweyne Shiikh Shariif in uu xilka loo doortay Alle ku asturo.
Kadib Madaxweyne Geelle waxaa uu u gudbay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke, ugu horeynta wuxuu ugu hambalyeeyay xilka loo doortay, kadibna wuxuu balballaariyay waxa laga sugayo oo uu ugu sheegay in ay yihiin in uu kalsooni kula shaqeeyo madaxweynaha, in uu ka fogaado in la isku diro isaga iyo madaxweynaha, in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh iyo in uu habeen iyo maalin u soo jeedo sidii dhibka uga saari lahaa dalka Soomaaliya.
“Waxaa laguugu yaqaanaa nin oday dhalay, nin mutacalim ah, nin dhowrsoon, marka waxaan rajeyneynaa in aad howshaada gudato, iyadoo uu wada tashi idinka dhaxeeyo Madaxweynaha”ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo la dardaarmayay Ra’iisal Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu u sii gudbay dardaaran uu u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, wuxuuna kula taliyay in aysan xukuumadda qal-qalin oo markaasina aysan ku dayan Baarlamaannada dalalka horay u maray sida midka Ingiriiska oo kale.
“Guddoomiyaha Baarlamaanka si gaar ah in aan ugu hambalyeeyo ayaan jeclahay maxaa yeelay howl adag ayuu soo galay, si caqli iyo xilkasnimo leh ayuu u maamulay, isagoo wixii laga sugayay si daacadnimo ah u gutay. Xildhibaannada waa badan yihiin, waxaa laga doonayaa in ay noqdaan mudanayaal shaqadooda yaqaana oo dadka iyo dalka danjirayaal u noqda oo aysan noqonin kuwo beel beel u dhaqma oo Xukuumadda iyo dowladda qal-qal geliya, iska dhowra in aad ka hortimaadaan Xukuumadda iyo Madaxweynaha haddii aaney falin qayaano-qaran”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu la hadlay Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in aaney dowladi shaqeyn karin haddii aaney shacabkeeda garab istaagin, si gaar ahna wuxuu u soo xushay haweenka oo uu sheegay in ay dalka sara-kicin karaan haddii ay si daacad ah u shaqeeyaan.
“Dadweynaha Reer Jibouti Mudane Madaxweyne iyo Xukuumaddiisaba sidii ay awalba idinku damqanayeen ayay idinku damqanayaan, hiil iyo hoo ayay idinla garab taagan yihiin, duco ayay idinla garab joogaan, mar kastaba wadcigu siduu doono hadduu yahay walaal idin garab taagan weeye”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia