Isniin, February 16, 2009(HOL): Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay bilaabeen qaab cusub oo ay u ugaarsanayaan Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida.
Taliyaha Ciidamada Markabka USS Mahan Capt. Stephen Murphy ayaa sheegay in qaabkan uu yahay mid casri ah, wuxuuna tilmaamay in ay Xeebaha Soomaaliya ku kiciyeen diyaarado wax basaasa oo aaney cidna kaxeynin, kuwaasi oo maalin iyo habeen dul heehaabaya Xeebaha Soomaaliya.
Diyaaradaha waxay Xeebaha Soomaaliya dul-heehaabayaan3,000 oo feet (915 Mitir), waxayna awood u leeyihiin in ay qaadaan sawirro la aqoonsan karo, gaar ahaan calamada ay wataan maraakiibta iyo doomaha ku socdaala biyaha Soomaaliya.
Khamiistii aynu ka soo gudubnay sawirro ay diyaaradahan wax basaasa soo qaadeen kooxo burcad badeed ah oo qorsheynayay in ay af-duub geystaan ayaa waxay sahleen in ay Ciidmada Badda Mareykanka soo qabtaan 7 Burcad Badeed ah iyo hubkii ay wateen.
Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin dalalka India, France, China and Russia iyo kuwo ka socda Midowga Yurub, waxayna Xeebaha Soomaaliya u joogaan in ay la dagaallamaan Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida.
“Waxaan leenahay awood gaar ah oo aan ku ogaan karno dhaqdhaqaaqyada ay Kooxaha Burcad Badeedka ah ka wadaan Xeebaha Soomaaliya, taasina waxay noo fududeysaa in aan soo qabanno Burcadda Badda iyagoo weliba aanan dhuuman karin”ayuu yiri Capt. Stephen Murphy.
Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa labadii sano ee ugu dambeysay ka dhacday af-duubyo lixaad leh, kuwaasi oo loo geystay Maraakiib iyo Doomo qaarkood ay Kooxaha Burcad Badeedka ka soo qabsadeen Gacanka Cadmeed iyo masaafooyin aad u fog fog oo u dhow dalalka Yemen iyo Kenya, waxayna af-duubyadaas ka dhigeen kuwo indhaha caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia