Maamulka Degmada Qardho oo ka hadlay Seddex ruux oo lagu dilay meel ku dhaw degmadaas

Cabirka Farta

Isniin,  February 16, 2009(HOL): Maamulka Degmada Qardho ee Gobolka Kar kaar ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dil maalintii shalay ahayd loo gaystay seddex ruux oo ka soo jeeday degmada Qardho,kuwaasi oo isbaaro dhigtay meel 55 km u jirta magaalada Qardho ee xarunta gobolkaasi.

Duqa degmada Qardho Cismaan Buux oo wariyayaasha kula hadlay magaalada Qardho ayaa sheegay in seddexda nin ee dhintay ay ahaayeen kuwo dhibaato ku hayay umadda Somaaliyeed, waxaana uu intaasi ku daray in ammaanka degmada si wayn loo sugi doono.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Cismaan Buux duqa degmada Qardho  uu sheegay in hal askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska degmada lagu dhaawacay ka dib weerar ay kooxo dablay ah ku soo qaadeen kontroolka magaalada.

Duqa oo la waydiiyay sababta sedexda nin loo dilay ayaa xusay in maamulka cusub ee Puntland uu ballanqaaday sidii uu wax uga qaban lahaa amniga ,iyadoo baryihii la soo dhaafay ay soo badanayeen dhalinyaro jidgooyo dhiganaya wadada u dhaxaysa magaalada Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar kaar ayaa xalay daganayd inkastoo si aad ah looga hadal hayo dilka loo  gaysto sedexda nin oo ahaa kuwo deegaan ahaan ka soo jeeda degmadasi,waxaana si wayn loo adkeeyay ammaanka degmada.

Ugu dambayntii maamulka cusub ee DGPL ayaa durbadiiba bilaabay tallaabooyin wax ku ool ah ,kuwaasi oo wax looga qabanayo amniga Puntland ,waxaana amarka lagu dilay seddex nin bixiyay Madaxwaynaha DGPL sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia