Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in uu sugayo Ammaanka Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka

Cabirka Farta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir- Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur
Axad, February 15, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu sugayo Ammaanka Shaqalaha Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka Gobolka Banaadir, iyadoo uu ugu baaqay hay’adihii horay uga baxay in ay ku soo noqdaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku sheegay in haatan uu hagaagsan yahay ammaanka magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku shaqeyn karaan Hay’adaha Samafalka.

“Waxaan ballanqaadeynaa in aan sugno ammaanka Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka, waxaana ka rabnaa in ay in ay gargaar bani’aadannimo la gaaraan dad badan oo ku dhibaateysan gobolka Banaadir iyo deegaannada u dhow”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur.

Dadka Muqdisho ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay haatan u soo jeesteen in ay nabadda ka shaqeeyaan, isla markaana ay dib u soo celiyaan bilicdii magaalada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu is-bedelkaas yimid wixii ka dambeeyay markii la soo dhisay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhinaca kale ah Guddoomiyaha Guddi heer Qaran ah oo loo xil-saaray Ammaanka Dalka Guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho laga dareemi doono is-bedel la taaban karo oo dhinaca ammaanka ah.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Magaalada Muqdisho iyo deegaanno u dhow horay loogu dilay shaqaale u shaqeynayay hay’ado samafal ah , kadibna waxaa gaabis noqday howlihii ay hay’adaha Samafalka ka wadeen Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo amni darro baahsan ay ka jirtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia