Mid ka mid ah Beelaha dega Gobollada dhexe oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo shaqaale samafal ah oo 2 bil ka hor lagu afuubay magaalada Dhuusa-mareeb

Cabirka Farta


Axad, February 15, 2009(HOL): Waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan mid ka mid ah beelaha dega gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa kulan ay magaalada Nairobi kula yeesheen wakiillo ka socday hay’adda ICF kadib waxay ku baaqeen in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo afar ka tirsan shaqaalaha hey’addaas oo Yurub  u dhashay iyo laba Duuliye  oo u dhashay dalka Kenya kuwaasi oo bishii November ee sanadkii hore laga afduubay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusa mareeb ee gobolka Galgaduud.
 
Waxaa siyaasiyiintii ka hadlay kulankaas ka mid ahaa siyaasiga caanka ah Jen Maxamed Nuur Galaal oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee guddiga siyaasadda  beesha Ceyr, waxaana uu halkaas ka sheegay in ayaad uga xun yihiin afduubka weli lagu heysto shaqaalahaas xagga gargaarka qaabilsan, isagoo intaas ku daray in tan iyo markii la afduubay shaqaalaha hey’adda ICF ay sii korodhay oo sii toban jibaarantay baahida xagga gargaarka ah ee ay u baahan yihiin dadweynaha ku dhaqan gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaannada Guriceel, Matabaan iyo Dhuuso mareeb, “anaga ayaa hey’adda uga xanuun badan afduubka lagu heysto shaqaalahooda maxaa yeelay waxaa dhibaatada ugu ballaaran ay soo gaareyso waa dadka rayidka ee ku dhaqnaa deegaannadii ay Hey’adda howlaha samafalka ka howlgeli jireen kuwaasoo haatan ay soo wajahday dhibaato xanuun badan” ayuu yiri Jen Galaal oo sheegay in dadaal loogu jiro sidii loo sii deyn lahaa shaqaalahaas samafalka.

 Siyaasiga Cali Maxamed Ugaas (Ugaas Cali) oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in loo baahan yahay in deg deg loo sii daayo shaqaalahaas ka tirsan hey’adda ICF ee afduubka lagu heysto, “waxgaradka beesha ma aha kuwo fadhiya waxayna saacaddan aan idiinla hadleyno ku howlan yihiin sidii loo sii deyn lahaa shaqaalahaas afarta ah iyo labada nin ee Kenya u dhashay oo waday diyaaradda” ayuu yiri Ugaas Cali oo sheegay in ay iyagu u baahan yihiin in shaqaalaha hey’adaha samafalka ka howlgalaan gobolada dhexe sidaas darteedna ay lama huraan tahay in dhamaan shacabka iyo waxgaradkooda iska kaashadaan sidii deg deg loogu sii deyn lahaa shaqaalahaas afduubka lagu heysto oo keentay in dhibkii iyo  baahidii gargaar ee ka jirtay deegannadii ay ka howl geli jireen ay iminka sii toban jibaarantay.

 
Jen Cali Xaashi Baraale oo isna ka tirsan waxgaradka beeshaas ayaa dhinciisa ku baaqay in deg deg loo sii daayo shaqaalahaas samafalka ee lagu afduubay gobolka Galgaduud caasimaddiisa dhuusamareeb, “waxaan maqlnay in raggaas afduubka ku jira in meelo kale oo ka baxsan gobolka lala aaday, saasoo ay tahay kama seexan, waxaana wadnaa dadaal ku aaddan sidii loo siideyn lahaa” ayuu yiri Jeneraalka.
“in dad la caawiyo dad aan dooneyn ayaa ka dambeeyay afduubka shaqaalaha hey’adda waxana ugu baaqeynaa in ay shuruud la’aan ku sii dayaan” ayuu yiri Jen Cali Xaashi Baraale.
 
Xaliima Maxamed Afrax oo kuhadleysay magaca gabdhaha beesha ayaa iyana soo jeedisay in dadaal loo galo sidii loo sii deyn lahaa shaqaalahaas samafalka, “Waa inaan annaga lacaga isku dardarnaa oo aan ku soo furanaa shaqaalaha la heysto, waayo ceeb bay nagu tahay in dad noo gargaarayay oo xiran aan faraha ka laabano” ayay yiri Marwo Xaliima.

Wakiilka Hay’adda ICF ee ka yimid magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in dhaqse loo sii daayo shaqaalahooda, “waa adag tahay inaan ka shaqeyno meel aan nabad jirin, sidaa darteed waxaa idiinka codsanaynaa in shaqaalaha xiran la sii daayo, si nabad ahna aan uga sii shaqeyno deegannadii aan ka howlgeli jirnay” ayuu yiri Wakiilka oo sheegay in hey’addooda ay ku shaqeyn karto meel nabad ah loona baahan yahay si dadka dhibaateysan loo gaarsiiyo gargaar Daawo iyo raashin in la damaanad qaado nabad gelyadooda.
 
Xuseen Qaasim Nuur
[email protected]
Nairobi-Kenya