![]() |
| Madaxweynaha Maamulka Puntland-C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole |
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa wuxuu ku sheegay in deegaanka Mareero oo dadka laga tahriibin jiray ay ku soo arkeen kooxo dadka tahriibiya, wuxuuna sheegay in ay kooxahaas iyo agabkoodii ay gacanta ku soo dhigeen.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in ay haatan wixii ka dambeeya ay il gaar ah ku eegi doonaan deegaannada dadka laga tahriibiyo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay aagaggaas u sameeyeen Ciidamo ilaaliya.
Deegaanka Mareero oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa wuxuu yahay meesha ay ka baxaan dadka ugu badan ee ka tahriibaya Soomaaliya, waxaana horay uga baxay dad badan oo qaarkood ay ku dhinteen Badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya kadib markii doomihii ay socdeen xoog looga tuuray, inkastoo ay jireen dad ku dhintay doomo la qalibmay.
Maamulka cusub ee Puntland ayaa wuxuu u muuqdaa mid uu wax qabadkiisa gaarayo meel kasta, wuxuuna tan iyo markii madaxdiisa la magacaabay uu sameeyay dhaqdhaqaaqyo badan oo isugu jira kuwo lagu horumarinayo Adeegayda Bulshada iyo kuwo Amniga lagu sugayo Bad iyo Berriba.
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia
