Jimco, Feb 13, 2009
Johanesburg, Koofur Afrika (HOL) - Ganacsadahan oo lagu magacabi jiray Cabdi Geelle ayaa lagu Toogtay Tuulada Motherwelll oo katirsan Magaalada Port Elizabeth ee Dalka Koonfurta Africa.
Ganacsadahan ayaa la toogtay xili habeen ah ee uu sii galayay baabuur uu watay. Marxuum Cabdi Geelle ayaan wax dhac ah loo geysan ka dib dilkiisa ayada oo markaas dilkiisa loo aaneynayo naceyb loo qabo dada aan u dhalan waddanka Koofur Afrika.
Marxuumka ayaa katagay hal Gabar iyo hooyadii dhashay oo dagan isla magaallada Port Elizabeth.
Cali Xusein oo ka tirsan dadka dagan magaalada Port Elizabeth ayaa u xaqiijiyay Xafiiska HOL ee Magaallada Johannesburg in eysan jirin cid loo qabtay dilka Marxuumka, isagoo sheegay in dilka loogeystay Marxuumku uu cabsi weyn ku abuuray dadka ku dhaqan magaalada P.E maadama uu dilka noocan ah ku cusub yahay ayuu yiri magaaladan. Cali Xassan ayaa intaa sii raaciyay in ey awalba la il darnaayeen Dhaca lagu hayay iyo dilka kadhici jiray Tuulooyinka ku xeeran Magaaladaas.
Magaalada Port Elizabeth ayaa horay loogu dilay Soomaali badan, waxay hadda noqotay meelaha ugu dilka badan ee dalkan Koofur Afrika.
Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg South Africa