Jimco, February 13, 2009(HOL): Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee mar kasta ka hadla dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya, isla markaana ishaara sida xal loogu heli karo ayaa wuxuu ku taliyay in la joojiyo Ciidamada shisheeye ee uu Midowga Afrika qorsheynayo in uu u diro Soomaaliya.
“Anigu waxaan qabaa in aaney Ciidamo Shisheeye xal u ahayn Arrimaha Soomaaliya, waxayna ciidamada hadda la qorsheynayo in Soomaaliya loo diro ay noqon doonaan kuwo dhabar jebiya dib u heshiisiinta iyo dadaallada nabadeed ee socda”ayuu yiri Prof Samatar oo intaas ku sii daray in ay muhiim tahay in Ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga iyana loo qabto muddo kooban oo ay Soomaaliya uga bixi karaan.
Professor Cabdi Ismaaciil waxa uu intaas kadib ka hadlay Dowladda cusub iyo sida ay tahay in ay u wajahdo howlaha horyaala, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in Madaxweyne Shiikh Shariif uu marka hore soo magacaabo Ra’iisal Wasaare karti leh oo aan ku imaanin nin jecleysi, kaasi oo buu yiri soo dhisi kara Xukuumad wax ka qabata dhibaatooyinka dalka ka jira.
Madaxweynaha Soomaaliya ayuu Professor Samatar kula taliyay in uu si gaar ah ula socdo madaxda dadkii soo halgamay ee dagaalka la galay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Dalka Soomaaliya mudada labada Sano ahayd ku jiray, “kuwaas waa in mudnaan gaar ah laga siiyaa Dowladdan”ayuu yiri Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Mqudisho.
Ugu dambeyntiina, Prof. Samatar waxaa uu ku baaqay in la qabto shir dib u heshiisiinta ah oo lagu dhameystirayo geedi-socodka nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay in shirkaas uu noqon karo mid xal loogu helo mushkiladaha weli jira ee caqabadda ku noqon kara in salka loo dhigo Xaaladda Dalka Soomaaliya oo muddo ku dhow 20 sano marba heer soo joogtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia