Jimco, February 13, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Wiil uu dhalay Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabo Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ra’iisal Wasaarahan wuxuu soo xushay kadib markii uu in muddo ah wadatashiyo ka sameynayay arrintaas, wuxuuna ka soo dhex baxsaday musharixiin badan oo xilkaas doonayay, kuwaasi oo qaarkood ay kula tartameen doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya.
Madaxweynaha oo hadal gaaban ka jeediyay halkii uu Ra’iisal Wasaaraha ku magaaabay oo ahayd Xarunta Madaxtooyada Jibouti ayaa wuxuu sheegay in uu maanta laga bilaabo uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya yahay Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo ah Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma-arke.
Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo isna hadal kooban jeediyay ayaa wuxuu sheegay in uu aqbalay xilka loo magacaabay, isla markaana uu xilkiisa u gudan doono sida loogu doortay. Kadib Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in ay howl badan hor-yaalliin, kuwaasi oo ay ugu horreeyaan sidii ammaanka dalka loo xasilin lahaa, isla markaana guryahooda loogu soo celin lahaa dad badan oo guryahooda ka barakacay labadii sano ee la soo dhaafay, welibana gargaar bani’aadannimo loola gaari lahaa.
Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ayaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso Gole Wasiirro oo awood u leh in ay wax badan ka qabtaan xaaladda uu maanta dalka Soomaaliya ku sugan yahay, kadibna Ra’iisal Wasaaraha iyo Xubnaha Golahiisa Wasiirrada waxay kalsooni-siin ama u diidis ka sugayaan Baarlamaanka Soomaaliya oo haatan xubnahiisa ay ku sugan yihiin Magaalada Djibouti.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo 49 sano jir ah, isla markaana wax ku bartay dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa wuxuu la soo shaqeeyay Hay’ado hoos-yimaada UN-ka, wuxuuna xilkan ku helay qaab qeybsiga Afar Beelood iyo Bar (4.5) ee salka u ah Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, wuxuuna ka soo jeedaa Beesha Daarood, halka Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ay ka soo kala jeedaan Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia