Madax ka socota 53 Dal oo Afrika ah oo uu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya oo uu shir uga bilowday magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya

Cabirka Farta

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed (bidix) iyo mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah oo dhex socda Xarunta Midowga Afrika /REUTERS/Antony Njuguna
Axad, February 01, 2009(HOL): Magaalada Addis Ababa ee Xarunta u ah Dalka Itoobiya, isla markaana ay ku taalo xarunta Midowga Afrika ayaa waxaa shir uu uga socdaa madax ka socota 53 dal oo Qaaradda Afrika ka tirsan, kuwaasi oo ka arrinsanaya sidii ay u horumarin lahaayeen Qaaradda Afrika oo aad uga dambeysa 4ta Qaaradood ee kale ee dunida.

Madaxda shirka ka qeybgeleysa waxaa ka mid ah Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo saaka ka degay garoonka Bole ee Magaalada  Addis Ababa, iyadoo ay socodkiisa ku wehlinayeen  sii hayaha  Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan ka socda Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa looga hadlayaa hindise uu curiyay Madaxweynaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, kaasi oo ah in dalalka Afrika ay yeeshaan hal Dowlad ay ku mideysan yihiin, iyadoo sidoo kalena looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha Qaaradda iyo weliba xasarado ka taagan dalalka Suudaan, D.R.Congo, Zimbabwe iyo  Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa ee uu shirkaas ka qeybgelayo wuxuu kulamo la qaadan doono madaxda shirka isugu imaaneysa qaarkood, sidoo kalena wuxuu la kulmi doonaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia