Mareykanka, Midowga Yurub, Masar, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo soo dhaweeyay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Axad, February 01, 2009(HOL): Tan iyo wixii ka dambeeyay markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa isa soo tarayay taageero loo jeedinayo madaxweynaha cusub.
 
Dowladaha Mareykanka, Masar iyo Ururrada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya, waxayna ballanqaadeen in ay la shaqeynayaan.
 
Dowladda Mareykanka ayaa war murtiyeed ay soo saartay waxay ku soo dhaweysay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in uu soo dhiso dowlad soo af-jarta qalalaasaha iyo nabadgelyo la’aanta ka jirta Soomaaliya.
 “Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan Soomaalida in aytaageeraan madaxweynaha cusub iyo dowladdiisa, sidoo kalena hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaan ku boorineynaa in ay nabadgelyo iyo dowlad wanaag ku maamulaan Soomaaliya”ayaa lagu yiri war-murtiyeedka ay soo saartay Dowladda Mareykanka.
 
Nicolas Bwakira oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa isna soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna ballanqaaday in ay la shaqeynayaan madaxweynaha cusub. Bwakira waxaa uu intaas ku daray in uu aad ula dhacay khudbadii madaxweynaha cusub uu jeediyay markii la doortay,  taasi oo uu ku ballanqaaday madaxweyne Shiikh Shariif in uu soo dhaweynayo Xukuumad-Midnimo-Qaran, isla markaana uu wada hadallo gelayo dadka ka soo horjeeda dowladdiisa.
 
Ugu danbayntiina Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Axmed Abu Gheyt ayaa sheegay in dowladdiisa ay si weyn u soo dhaweyneyso madaxweynaha loo doortay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu madaxweynaha la doortay uu yahay mas’uul wax ka bedeli kara xaaladda Dalka Soomaaliya. Sidoo kalena Midowga Yurub ayaa si diiran u soo dhaweeyay madaxweynaha loo doortay Soomaaliya, wuxuuna ballanqaaday in uu la shaqeyn doono hoggaanka cusub ee Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia