Madaxweynaha Soomaaliya oo u amba baxay Addis Ababa

Cabirka Farta

Axad, February 01, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ay goor dhaweyd u amba baxeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo ay wafdigiisa ka mid ahaayeen  sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)  iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu magaalada Addis Ababa uga qeyb galayaa shir ay isugu imaanayaan madax ka socota Midowga Afrika.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa sameynta dowlad ay ku mideysan yihiin dalalka Afrika, sidoo kalena waxaa looga hadli doonaa horumarinta dhaqaalaha dalka iyo haddii la isla garto dalalka ay xasaradaha ka taagan yihiin.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa ee uu shirkaas ka qeybgelayo wuxuu kulamo la qaadan doono madaxda shirka isugu imaaneysa qaarkood, sidoo kalena wuxuu la kulmi doonaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu tartanka madaxweynenimada Soomaaliya kaga  guuleystay 14 musharax, kuwaasi oo doonayay in ay xilkaas qabtaan, inkastoo qaarkood ay is-casileen intii uusan tartanka bilaaban.

Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay si weyn  u dhowrayaan is-bedelka uu dalka Soomaaliya u keeno madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ah taariikhda madaxda Soomaaliyeed midkii ugu da’da yaraa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia